Chelsea oo xalay gurigeeda ku heshay barbaro dirqi ah

0
29

Chelsea ayaa kasoo kabatay Saddex gool oo looga hormaray, kulankii xiisaha laha ay Ajax martida u aheyd kana tirsanaa heerka guruubyada ee Champions League-ga.

Kulan aad u adag oo labada kooxood xalay ku dhexmaray Stamford Bridge, ayaa waxaa kaarka cas qaatay laba ciyaartooy oo ka tirsan Kooxda Ajax oo lagu magacaabo Daley Blind iyo Joel Veltman oo iyagu daqiiqadihii 68 iyo 69aad ee cayarta qaatay kaararka cas-cas.

Kooxda Frank Lampard ayaa laga dhaliyay 3 gool qeybtii hore ee cayaarta , sidaasna waxa ku dhamaatay qeytii hore ayadoo Chelsea lagu hoggaaminayo 3-1.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa hadana gool kale looga naxsaday kooxda martida loo ahaa, taas oo shaqada ku sii dheereysay Blues-ka.
Chelsea ayey ugu dambeyn u suurta gashay in ay dhaliso Goolal degdeg ah.
Sikastaba ahaatee Ajax ayaa ku cayaareysay 9 cayaartooy 20-kii daqiiqo ee ugu adkeyd cayaarta, sidaasna waxa ay ugu kala baxeen bareejo 4-4 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here