Degreeto: Digniin laga soo saaray Fatahaad hor leh

0
30

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka ee DFS ayaa lagu soo saaray digniin, waxaana lagu sheegay in Roobab mahiigaan ah oo sababi doona fatahaado ay ka di’i doonaan gobolo kamid ah dalka.

Dhulka laga cabsi qabo in ay saameeyaan Roobabka iyo fatahaadaha waxaa kamid ah deegaanada iyo magaalooyinka ay maraan labada Webi ee Jubba iyo Shabeelle iyo sidoo kale deegaanno katirsan gobolada Koon-Furgalbeed.

Biyo ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay buuraha dalka Ethiopia ayaa laga cabsi qabaa in ay sababaan fatahaadda Webiyada Jubba iyo Shabeelle, dadka ku nool goobaha laga cabsi qabo in ay fatahaaddu saamayso ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here