Maamulka gobolka Hiiraan oo ammaanay habka uu u socdo gurmadka fatahaadda

0
39

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay halka uu marayo gurmadka iyo gargaarka la gaarsiinayo dadka reer Baladweyne ee ay saameeysay fatahaadda wabi Shabeelle.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan Xusseen Cismaan Cali ayaa sheegay in gargaarka soo gaaray Baladweyn ee loo qeybinayo dadka barakacay uu ka koobanyahay saddex qeybood oo kala ah mid lagu soo hagaajiyay maamulka, mid ay bixinayaan shirkado madax-bannaan iyo waliba gargaar ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

”Gargaarka ilaa iyo hadda si wanaagsan ayuu u socdaa, waana laga wada qeybqaadanayaa, saddex waji ayuu gargaarku leeyahay mid maamulka soo gaaray, garagaar ay ku deeqeen shirkado iyo waliba gurmad inooga yimid dhinaca dowladda” “Annaga ka maamul ahaan shirkadaha waan u madax-bannaaneyney in ay iyagu gacantooda ku qeybiyaan gargaar ay dadkaasi ugu tala-galeen” ayuu yiri guddoomiye Xuseen.

Maamulka HirShabeelle ayaa sheegay in howlaha gargaarka ay barbar socdaan howlo lagula dirirayo in la musuq maasuqo gargaarka, kaas oo ay wadaan saraakiil ka tirsan xeer ilaalinta iyo maxkamadaha heer maamul goboleed oo shaqadoodu tahay in ay la socdaan sida gargaarka loo maamulayo.

Deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka bari ee magaalada Baladweyne oo ay ku suganyihiin dadkii ka barakacay fatahaadda ayaa labadii maalmood ee ina dhaaftay la gaarsiiyay gargaarkii ugu badnaa tan iyo markii ay dhacday fatahaaddu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here