Baarlamaanka Puntland Oo Xilkii Ka Qaaday Guddomiyihii Baarlamaanka

0
15

Golaha Baarlamaanka Puntland oo kulan dagdag ah oo uu shir gudoomiyay guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdi Casiisayaa ku yeeshay xaruntooda  magaalada Garoowe ayaa cod u qaaday Mooshinkii ka dhanka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed.

Kulanka oo ay soo xaadireen 53- Xildhibaan ayaa 49-ka mid ah waxa ay u codeeyeen  xilka qaadista Dhoobo-Daarood, 4 afarna way ka aamuseen.

Xalay ayay ahayed markii is rasaaseyn ay ka dhacday xarunta Baarlamaanka waxa ku dhintay laba qof halka afar kalena ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here