Ciidamada Xooga Dalka oo Hawlgallo ka Fuliyay Degmada Afgooye

0
19

Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa xalay ilaa saakay howlgallo ka wada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose kadib markii lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada gobolka Shabeellaha hoose xili uu ku sugnaa hoyga uu ka deganyahay Afgooye kadib markii lagu weeraray Bam-gacmeed.

Howlgalkaan ayaa la sheegay in lagu qabtay dad lala xiriirinayo falalka amni darro ee ka dhaca degmada Afgooye gaar ahaanna weerarkii bam gacmeedka ahaa ee lagu dilay allaha u naxariistee guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Cumar Maxamuud Cilmi Cumar Carrabey.

Dadka la qabtay oo u badan dhalinyaro waxaa la sheegay in qaarkood lasii daayay halka inta kalana ay ku socdaan baaritaano la xiriirawaxa ay ka ogyihiin falalka amni darro eek a dhaca degmada Afgooye.

Fiidnimadii hore ee xalay ayay aheyd markii bambaanooyin lagu weeraray guriga gudoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada gobolka Shabeellada hoose uu u geeriyooday dhaawac culus oo weerarkan ka soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here