Kulan Looga Hadlayay Caawinta Dadka ay Fatahaadaha Saameeyeen oo Kismaayo Lagu Qabtay

0
15

Maamulka gobolka Jubada Hoose, ka dagmada kismayo iyo hay’adaha ka howgala Jubbaland ayaa galinkii danbe ee Arabacada oo ku beegnayd 6da Novembar 2019ka kulan wada tashi ah oo loogatashanayay sidii wax loogu qaban lahaa dadkii ay saameeyeen fatahaada wabiga jubbba ku yeeshay xafiiska maamulka degmada Kismaayo.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha samafalka iyo masuuliyiinta gobalka Jubada Hoose waxaana si qoto dheer loo falanqeeyay qaabka ugu haboon ee loo caawin karo dadka ay sameeyeen fatahaadyada wabiga Jubba.

Gudoomiyaha Gobalka Jubada Hose Cabdirashiid Gooni ayaa bulshada ku dhaqan deegaanada wabiga jinkiisa ah ugu baaqay inay ka taxadaraan fatahaado la filayo inay ka dhacaan wabiga Jubba iyo roobab xoogan oo la filayo inay ka da’aan deegaanadaas.

Gudoomiyaha ayaa dowlada iyo dadka soomaaliyeed ugu baaqay in ay qorshe ksa yeeshaan fatahaadaha iyo abaaraha dalka ku soo noqnoqday oo la ogyahay xiliyada ay ku aadanyihiin isaga oo xusay in ay muhiim tahay in laga gaashaanto fatahaahada inta aysan imanin ka hor.

Wasaarada arimaha Gudaha Jubbaland iyo maamulka gobalka Jubada Hoose ayaa maalmahan ku howlanaa sidii loogu gurman lahaa dadka ay waxyeelada ka soo gaartay fatahaadaha wabiyyada Jubba iyo Shabeele.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here