QM oo ka digtay cudurro ka dhasha fatahaadda wabiga shabeelle.

0
14

Hay’adda UNICEF ayaa ka digtay in fataahadaha xilligan ka jira Soomaaliya ay suura gal tahay in ay sare u qaadayaan halista nafaqa darrada iyo cudurrada faafa.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in fatahaaadaha iyo daadadka lixaadka leh ee waqti xaadirkan ka da’aya Soomaaliya ay saameeyeen in ka badan 540,000 oo qof oo 370,000 ka mid ah  ay ka barakaceen meelihii ay ku noolaayeen.

Hay’addu waxay sheegtay in dadka tiradaas leh ay aad ugu baahanyihiin biyo nadiif ah, suuliyaal, agab faya dhawr, hoy, cunno iyo daryeel caafimaad.

Waxay hay’addu hoosta ka xarriiqday in cunna yarida iyo daryeelka caafimaad ee liita ay sababi karaan nafaqo darro xooggan oo soo food saarta tiro badan oo ka mid ah carruurta Soomaaliyeed.

Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Werner Schultink, ayaa sheegay in qiyaastii 200,000 oo caruur ah ay saameeyeen fatahaado culus oo ka dhacay Baladwayne, Bardaale, Baydhabo, Jowhar iyo Mahaddaay.

“Haddii aan tallaabo dagdag ah la qaadin, saamaynta fatahaaddan ayaa laga dareemi doonaa Soomaaliya muddo dheer kadib marka heerarka biyuhu yaraadaan,” ayuu yiri Schultink.

UNICEF ayaa sheegtay in ay qaybisay 33,000 oo xirmo oo mucaawino ah kuwaa oo wax lagaga qabanayo nadaafo darrada iyada oo sidoo kalena diyaarinaysa goobo ay ugu tala galeen in ay ku kulmaan kuna cayaaraan carruurta ka soo barakacay fatahaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here