Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Booqday Goobo ay Fatahaado Saameeyeen

0
18

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanata gaaray degmada Bardaale oo ay dhawaan ka dhaceen  fatahaado.

Madaxweynaha oo ay la socdaan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Gabeed waxaa degmadaasi ku soo dhaweeyay maamulka degmada Bardaale iyo shacabka ku dhaqan halkaasi.

Booqashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed  ayaa lala xiriiriyay u kuur galidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaas iyo halka ay marayaan dadaalada gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay fatahaaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here