Wafdi Soomaaliya ka socda oo Hindiya Shir kaga qeyb-galaya

0
15

Shirwaynaha Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee adduunka ayaa si toos ah uga furmay magaaladda Lucknow ee dalka Hindiya, iyada oo ay sanadkan ka qeyb-galayaan xubno ka socda dawladda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa Shirkaas uga qayb-galaya garsooraha maxkamadda sare Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe iyo garsoore Suleymaan Maxamed Maxamuud & safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ambasador Faadumo Cabdullaahi Maxamuud.

Shirwaynaha guddoomiyeyaasha maxkamadaha sare ee adduunka waxaa looga hadlayaa sidii ay u wada shaqyen lahaayeen maxkamadaha aduunka, sidii si cadaalad ah dadka loogu garsoori lahaa iyo sidii khibrado la isku dhaafsan lahaa.

Xubnaha ka socda garsoorka Soomaaliya ee shirkaasi ka qayb-galaya waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan garsoorayaasha maxkamadaha aduunka ee shirkasi goobjooga ka ah, iyaga oo kala hadli doona sidii Soomaaliya dhinaca Garsoorka looga taageeri lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here