Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khamiis 21- Nofeembar -2019 ka dhageystey warbixinta sanadlaha hay’adda maamulka garoonka Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.
Mareeyaha garoonka Cabdullaahi Aden Maxamuud (Jagadoon) ayaa warbixin dheer kusoo bandhigey madaxweynaha hortiisana ka akhriyey waxyaabaha ugu muhiimsan ee sanadkan u qabsoomey sida:
▪ Horumarinta Amniga
Garoonka.
▪ Diiwaangelinta Shirkadaha
diyaaradaha iyo ruqsad siinta marinada diyaaradaha.
▪ Hirgelinta 11 xafiis
waaxeed oo garoonka ka howlgala si sare loogu qaado adeega bulshadu garoonka ka
helayso.
▪ Dejinta nidaamka
duulimaadyada iyo hormarinta adeegga bulshada.
▪ Tababarka iyo kordhinta
shaqaalaha.
▪ Kordhinta ilaha dakhliga
garoonka .
▪ Hirgelinta maamul wanaagga
iyo la dagaalanka musuqa.
▪ Waqtiyeynta xilliyada shaqo
ee garoonka oo ah 6AM-6PM ( 6da subaxnimo ilaa 6da galabnimo) si maalinle ah
12/7.
▪ Abuuridda hanaan wadashaqeyneed
oo dhexmara dhamaan wasaaradaha, Hay’adaha madaxa banaan, Hay’adaha duulista
iyo maamulada garoomada iyo beesha caalamka – UN Agencies & Amisom (
Wakiilada qaramada midoobey iyo Amisom ee ku sugan deegaanada Jubbaland.)
▪ Diyaarinta qalabka isgaarsiinta
▪ Ilaalinta waqtiga
duulimaadyada iyo daryeelka rakaabka.
▪ Hirgelinta nidaamka
diyaarinta iyo kaydinta maanafeestada rakaabka diyaaradaha oo maamulka garoonka
loo soo gudbiyo saacad ka hor waqtiga duulimaadka.
▪ Hirgelinta qalabka
saadaasha hawada si loo hubiyo badqabka dadka iyo diyaaradaha ku duulaya hawada
Jubbaland.
Maamulka garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ayaa sidookale soo bandhigey jaantuska tirada duulimaadyada iyo rakaabka ee billaha iyo sanadlaha ah.
Maamulka garoonka ayaa sheegay in 10kii bilood ee ugu danbeeyey uu garoonku qaabiley 1,787 ( Kun todobo boqol iyo sideetan iyo todobo) duulimaad oo isugu jira duulimaadyo gaar ah, kuwa rakaab, kuwa beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka, sidookale rakaabka duulimaadyadaas ee 10kii bilood ayaa noqdey 91,216 (Sagaashan iyo kow kun labo boqol lix iyo toban) qof.
Sida maamulku Jaantuska kusoo bandhigey waxaa kismaayo 10kii bilood ee ugu danbeysey ka dhoofey dad gaaraya 44,425 ( Afartan iyo afar kun afar boqol labaatan iyo shan) halka ay yimaadeen 46,791 (Afartan iyo lix kun todobo boqol sagaashan iyo kow) qof taas oo wadarta ka dhigeysa 91,216 qof inuu qaabiley garoonka Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.
Maareeyaha ayaa sidookale xusey caqabadaha iyo baahiyaha ka jira garoonka kuwaas oo uu maareeyuhu madaxweynaha u gudbiyey kana codsadey xalkooda iyo haqabtirka baahiyaha jira si adeega garoonku u noqdo mid dowlada iyo bulshadaba siiya adeeg dhameystiran.
Hiigsiga maamulka garoonka ee sanadka 2020:
▪ Dhismaha iyo ballaarinta
garoonka
▪ Isku xirka hanaanka wada
shaqeynta maamulka garoomada Jubbaland.
▪ Kobcinta ilaha dhaqaale
▪ Sare u qaadida ilaha
dhaqaalaha ee garoonka.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay in muddo kooban ay maamulka iyo shaqaalah garoonku ku hirgaliyeen adeegyada aasaasiga ah ee bulshada uga baahneyd garoonka asagoo sidookalena uga mahadceliyey sida ay u dajiyeen nidaamka shaqada garoonka oo ay ugu horeyso sugidda amniga oo ah muhiimada ugu weyn uu waqtigan loogu baahi badanyahay.
Madaxweynaha ayaa maamulka iyo shaqaalaha ku dhiiri galiyey shaqada ay bulshada u hayaan iyo kulana dardaarmey inay sii laba jibaaraan si loo gaaro yoolka ah in la helo garoon leh adeeg dhameystiran oo habeen iyo maalinba shaqeeya lagana helo adeeg kasta oo looga baahnaa garoon diyaaradeed.
Barnaamijka dhageysiga warbixinada sanadlaha ah ee wasaaradaha, Hay’adaha iyo gudiyada Jubbaland oo galey maalintiisii sadexaad ayay ujeedadiisu tahay in la hubiyo fulinta adeega ay dowladu gaarsiiso dadka iyo deegaanada Jubbaland iyo caqabadaha jira ee u baahan in xalwaara laga gaaro.




