AFRICMO oo Duqaymo Ka Fuliyay Jubada Dhexe

0
125

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM lagu magacaabo ayaa lagu xaqiijiyay in uu taliska oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka uu maalinnimadii Sabtida ahayd lasoo dhaafay gobolka Jubbada Dhexe ka fuliyay duqaymo ka dhan ah kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntan shalay gelinkii dambe laga fuliyay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe taasi oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah.

War saxaafadeedkan AFRICOM ka soo baxay laguma sheegin khasaaraha ka dhashay duqayntii Jilib hasayeeshee waxaa lagu xaqiijiyay in aysan dad rayid ah waxyeello ka soo gaadhin duqayntan.

War saxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan khasaraha ka dhashay duqeynta isla markaana ay dib ka faah faahin doonaan macluumaadka baaritaankaa ka soo baxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here