AMISOM oo Sheegtay In Ay Gacan Ka Gaysan Doonto Amniga Doorashada Somalia

0
138

Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay xaqiijinta in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho madax bannaan oo si nabdoon ku qabsoonta sannada 2020/2021.

Augustine Magnus Kailie oo ah taliyaha ciidanka boliiska AMISOM ayaa u sheegay bulshada rayidka ah, wakiillada xisbiyada siyaasadeed iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka (NIEC) in AMISOM oo kaashanaysa daneeyayaasha Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato sidii ay u dhici lahayd doorasho qof iyo cod isla markaana xor iyo xalaal ah.

Kailie ayaa sheegay in hoggaanka Soomaaliya ay muujiyeen sida ay uga go’antahay in ay ka guuraan qaabkii hore ee awood qaybsiga qabaliga ee 4.5 oo loo qabto doorasho qof iyo cod ah iyaguna ay door ka qaadan doonaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo ballaaran ugu jirta in ay dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah 2020/2021, iyada oo dhinaca kalana hawlgallo baaxad leh oo lagu xaqiijinayo ammaanka ka waddo gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here