Wasaarada Caafimaadka Jubbaland oo Kismaayo Ku Qabatay Xuska Maalinka Xanuunka HIV-ga

0
78

Waxaa maanta oo ay taariikdu ku beegantahay 1da Diseembar magaalada Kismaayo lagu qabtay munaasabad balaadhan oo lagu xusayo maalinka xanuunka HIV-ga. Waxaa munaasabadan, oo lagu qabtay huteelka Maamuus ka soo qayb galay wasiirka wasarada caafmaadka Jubaland, agaasimaha waaxda caafimadka wasaaraddan, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada.

Waxaa maalintan oo uu u jeedka xuskeedu yahay in bulshooyinka caalamka laga wacyi galiyo xanuunkan la asteeyay sanadii 1988kii xiligaas oo uu golaha guud ee Qaramada Midoobay isku raacay taariikhdan.

Warbixin ay Hay’adda Caafimaadka Dunida ee mageceeda loo soo gaabiyo WHO soo saartay horaantii sanadkan aynu ku guda jirno ayaa lagu xusay in ay  xanuunka la noolyihin dad ay tiradoodu gaadhayso 37 milyan iyo 900 oo kun oo  ruux,kuwaas oo boqolkiiba 62 kamid ah ay yihiin dad waa wayn  halka boqolkiiba 54 ay yihiin  caruur.

Sanadkii tagay ee 2018ka waxaa viruskan oo la dagaalama difaaca jidhka u geriyoodey 770 kun ruux. Isla sanadkaas wuxuu xanuunkan ku dhacey in ka badan 1 milyan iyo 700 oo kun oo ruux oo aan horay u qabin sida ku xusan warbixintan ay WHO soo saartay.

Qiimayntan ayaa lagu cadeeyay in ay 3 meelood 2 kamid ah dadka xanuunkan la nool oo ay tiradoodu gaadhayso 25 milyan iyo 700 oo kun oo ruux ay ku noolyihiin qaaradda Afrika. Waxaa sidoo kale qiimayntan lagu ogaaday in 24 milyan iyo 500 oo kun oo ruux oo xanuunkan la nool ay si joogto ah u qaataan dawooyinka lagu yareeyo saamaynta uu xanuunkan ku yeesho difaaca jidhka bani’aadamka ee loo yaqaanno ARVs.

Masuuliyiintii xafladan ka soo qayb galay ayaa goobya ka jediayy hadallo ay bulshada kaga wacyi galinayaan xanuunkan iyo la tacaamulkiisa iyaga oo baraarujiyay in ay muhiim tahay in cid walba ay ogaato xaaladeeda caafimaad ee HIV-ga la xidhiidha si loo yareeyo in la is qaadsiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here