Xuska Sanad Guuradii 47aad ee Isbitaalka Xaawa Cabdi oo Muqdisho Lagu Qabtay

0
101

Munaasabad lagu xusayey sannad Guuradii 47 –aad ee ka soo wareegtey markii la aas aasay Isbitaalka Dr Xaawa Cabdi ayaa maanta lagu qabtey Magaalada Muqdisho waxaana munaasbadaas ka qayb galey marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin xildhibaano, raiisul wasaare hore, wasiiro, bulshada rayidka, rugta ganacsiga, dhaqaatiir isugu jiay ajaanib iyo Soomaali iyo marti  sharaf kale.

Ugu horayn waxaa warbixin ku saabsan Isbitaalka Dr Xaawo Cabdi iyo maraxalidihii uu soo maray goobta ka soo jeediyay madaxweynaha isbitaalka Dr Aamina Aadan Maxamed oo sheegtay in isbitaalka uu soo maray marxalado kala duwan oo uu dalka iyo dadka wax ugu soo qabtay  taasi oo dad badan oo Soomaliyeed ay ku xasuusteena howlihii samafal ee uu isbitaalka fidin jiray. Dr Aamina ayaa sidoo kale sheegtay in isbitaalka xiligan lagu soo kordhiyey qalab casri ah oo lagula tacaalayo xanuunada aan horay dalka waxba looga qaban karin kuwaas oo ay ku shaqaynayaan dhaqaatiir ajaanib ah.

Waxaa kale oo munaasabadaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish isaga oo mahadcelin ka dib  sheegey in Dr Xaawo Cabdi ay dalka u soo qabatay hawlo samafal sidaa darteedna ay tahay wax lagu farxo ah in caruurteed ay halkaas ka sii wadaan hawshii bani’aadanimo ee ay hooyadood u haysay bulshada Soomaaliyeed.

Xubnhii kale ee ka hadlay munaasabada lagu xusayay Sannad guurada 47 aad ee isbitaalka Dr Xaawo Cabdi waxaa ka mid ahaa  wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdulaahi Xayir Maareeye oo  sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo qaybgalo munaasbadaan  isaga oo hoosta ka xariiqay in ay jiraan caruur badan oo uu sheegey in aan xanuunadooda dalka lagu dawayn karin kuwaas oo u baahan in loo gargaaro wuxuuna isbitaalka ka codsadey in ay ka qayb qaataan sidii caruurtaas loo  badbaadin lahaa .

Guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ka hadashay  xafladaas ayaa Dr  Xaawo Cabdi u mahadcelisey iyada oo sheegtey in wakhti adag u soo shaqeeyesey haweenka Soomaaliyeedna ugu baaqday in ay ku daydaan Dr Xaawo Cabdi gabdahadiktooreesadana ugu baaqday in ay halkaas ka sii wadaan hawshii ay hooyadood bilawday.

Cabdirashiid Caynaanshe oo ah gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga  oo ka hadlay munaasabadaas  ayaa u mahadceliyey dadkii isku soo dubariday munaasbadan wuxuuna sidoo kale balan qaaday in rugta ganacsiga ay ka qayb qaadan doonto caawinta dadka la il daran xanuunada kala duwan.

Ugu dambayn, waxaa munaasbada ka hadlay qaar ka mid ah dhakhaatiirta ajaanibta ah ee ka hawlgala. Waxaa sidoo kale shahaadooyin  iyo abaalmarinno  kala duwan la gudoonsiiyey duqa magaalada muqdisho.

Duqa magaalada ayaa isaguna shahaado Sharaf gudoonsiiyay madaxweynaha isbitaalka Dr Aamina Aadan Maxamed. Shaqaalhii mudada dheer ka soo shaqeeyay isbitaalka oo u soo dhabar adeygay xaaladihii kala duwanaa ee uu isbitaalku soo marey ayaa iyagana munaasabadda gabagabadeedii shahaadooyin la gudoonsiiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here