AMISOM oo Gacan Ka Gaystay Dayac Tirka Xarunta Ciidanka Wadooyinka Dagmada Kismaayo

0
207

Maamulka gobolka Jubbada Hoose iyo kan dagmada Kismaayo ayaa si wada jir ah xariga uga jaray mashruuc dib u habayn loogu samaynayo qayb ka mid ah xarunta taliska taraafikada Jubbaland oo ay Jubbaland ka gacan kasiiyeen ciidamadda  nabad ilaalinta midawga Afrika ee AMISOM.

Manaasabadda xarig jarka dhismahan waxaa goob joog u ahaa masuuliyiin ka socota ciidanka AMISOM gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdulaahi Cali Gooni, gudoomiyaha dagmada Kismaayo Ibraahim Maxamad Yuusuf, taliyaha ciidanka wadooyinka Jubbaland Kornayl Bashiir Xiis Khaliif iyo gudoomiyeyaasha xafadaha magalada Kismaayo.

Gudoomiyaha demagada Kismaayo ahna duqa dagmada ayaa ugu horeyntii ugu mahad celiyay masuuliynta ciidanka AMISOM isaga oo sheegay in dhismahaan u yahay mid ay filayaan in uu fududayn doono hawlaha ciidanka.

Gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdulaahi Cali Gooni ayaa isaguna dhiniciisa AMISOM u mahad celiyay isaga oo  sheegay in baahi wayn loo qabay in xaruntaan la dayactiro.

Masuliyiinta ayaa munaasabaddan kadib yeesheen kulan is xog-waraysi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here