Dagmada Ceelwaaq oo Garoon Diyaaradeed Loo Dhisay

0
168

Shirkadda diyaaradaha Maandeeq oo kaashanaysa shacabka degmada Ceelwaaq ayaa bilaabay dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelato dagmada kaas oo ay dadka deegaanku u qabeen baahi badan.

Dhismahan cusub ayaa qorshihiisu yahay in degmada Ceelwaaq ay hesho garoon ay si toos ah uga soo dagaan diyaaradaha rakaabka ah maadaama aysan horey u dagmadu u lahayn garoon heer caalami ah oo ay lahayd garoon ay adeegsan jireen diyaaradaha yaryar. 

Guddomiyaha degmada Ceelwaaq Ibrahim Guuleed oo kormeer ku tagay goobta uu ka socday dhismaha ayaa ballan qaaday in maamulku uu taageeri doono dadaalkan soona dhaweeyay hawsha muhimka ah ee ay shirkadda Maandeeq bilowday taas oo uu ku tilmaamay mid laga wada sugayay.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in tallaabadani ay xal u noqon karto qaar kamid ah dhibaatooyinkii dhanka duulimaadyada ahaa ee heystay bulshada Ceelwaaq kuwaas oo ay kaliya u furnayd in ay dhulka u maraan safarradooda ay ku imanayaan ama kaga baxayaan dagmada oo ay ku khasbanaayeen in ay tagaan dagmooyinka Doolow iyo Baardheere halkaas oo ay ka heli jireen duulimaadyo ay ku aadi karaan qaybaha kale ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here