Golaha Shacabka Ayaa Ansixiyay Noqoshada Miisaaniyadda Dowladda ee 2019

0
100

Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ka soo qayb galeen 141 xildhibaan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay gudoommiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo labadiisa ku-xigeen, wuxuuna ajendaha kulankan ahaa akhrinta sadexaad ee noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa intii uu socday kulanka waxaa ay ansixiyeen ku noqoshada miisaaniyadda 2019-ka, iyaga oo u qaaday cod gacan taag ah.

118 xildhibaan ayaa ogalaatay in la ansixiyo noqashada miisaaniyada 2019-ka, 15 mudane ayaa diiday, 8 xildhibaan ayaa ka aamustay, waxaana guddoomiye mursal uu ku dhawaaqay in sidaas lagu ansixiyay ku noqashada miisaaniyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here