Isbadalka Cimillada oo Sababay In Ay 1,200 oo Ruux Ku Naf Waayaan

0
106

Dhibaatooyinka xagga cimillada ah ee ka jira Qaaradda Afrika ayaa Saameyn ku yeeshay 33 Milyan oo ruux, taas oo ka dhigan in 10% dadka gobolka ay waxyeelleysay mussibadu.

Dadkaas ayaa u baahan gurmad degdeg ah oo dhanka cunnada iyo hoyga ah, 16 milyan oo kamid ah waa carruur.

Baaris ku aaddan musiibooyinka oo ay sameysay Hay’adda Save the Children ayaa muujineysa dad gaaraya 1,200 oo qof in ay ku nafwaayen musiibooyin ka dhashay cimillada sida dabeylaha, daadadka iyo kuwo kale oo ku dhuftay Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika sida Mozambique, Somalia, Sudan iyo Malawi.

Muusiiboyinka dabiiciga ah dalalka qaar sidaa uguma badna halka kuwo qaarna sida Mozambique ay ku dhuftaan dabeylo 2 xilli ah.

Hoggaamiyayaasha dunida ayaa lagu wadaa in shirkooda 25-aad ee isbedelka Cimillada (COP 25) ay qabtaan toddobaadkan si ay uga hadlaan isbedellada cimillada dunida, Hay’adda arrimaha carruurta ee Save the Children waxa ay ku baaqeysaa in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo aaddan xagga isbedelka cimillada.

Guddiga heerka Caalami ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Isbedelka Cimillada (IPCC) ayaa war bixin uu dhowaan soo saaray waxa ay muujineysay in ay isa soo tarayaan isbedellada ku imanaya cimillada taasna ay horseedi karto abaaro iyo daadad ku dhufan kara meelo badan oo dunida ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here