Kenya oo Ku Guulaysatay Kamid Noqoshada Golaha Hay’adda Badaha Aduunka

0
22

Dowladda Kenya ayaa markale ku guuleystay kamid ahaanshaha Golaha Caalamiga ee Hey’adda badaha Adduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobay.

Kenya oo horay uga mid ahayd golahan ayaa hataan waxaa ay markale fursad u heleysaa ka qayb qaadashada dejinta xeerarka caalamiga ah ee badaha kuwaas oo ay ku dhaqmaan maraakiibta dunida.

Doorashada Kenya markale xubinnimada hay’addan loogu doortay oo ka dhacday Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka qeybqaatay 174 dal.

Kenya waxay hataan ka tirsantahay hey’adda IMO oo ay ku wada jiraan 20 dal oo ah kuwa danaha gaarka ah ka leh arrimaha badda, gaar ahaan hagidda maraakiibta adeegsada badaha.

Hey’addan ayaa leh qaybo kala duwan, waxaana Kenya ay qeybta C ka wada tirsan yihiin dalal badan oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin dalalka Morocco, Koofur Afrika, Liberia iyo Masar.

Xoghayaha Joogtada ee Kenya u qaabilsan arrimaha badda, Nancy Karigithu ayaa wargeyska the Daily Nation ee dalkan ka soo baxa u sheegtay in Kenya ay dano gaar ah ka leedahay gaadiidka badda ku safra, taasoo ay ku macnaysay in Kenya ay ku taallo gobolka Geeska Afrika oo ah mid istiraatiiji ah oo muhiim u ah ka qeybqaadashada arrimaha la xiriira badaha.

“In markale dib la inoo doorto waxay xaqiijineysaa wakiilka aan ka nahay Geeska Afrika iyo dalalka harooyinka waaweyn oo ay kmid yihiin Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, Jabuuti, Eritrea, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, Suudanta Koonfureed, Tanzania iyo Uganda,” ayay tiri Nancy.

Golahan ayaa labadii sanaba mar yeesha shirwayne, waxaana ay isla nidaamiyaan qaabka looga wada shaqeynayo miisaaniyadda ku baxaysa hey’addaas iyo sidoo kale doorashada 40-ka xubnood ee kamid noqonaya hey’adda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here