Magaalada Kismaayo oo Lagu Qabtay Kulan Wacyi Galin oo Lagaga Hadlayo Ilaalinta Xuquuqda Caruurta

0
38

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dawlad Gobaledka Jubbaland ayaa   maalinmadii shalay ahayd qabatay kulan wadatashi ah oo ay u jeedadiisu ahayd ilaalinta xuquuqda caruurta.

Kulankan   oo ay kasoo qeyb galeyn qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo, dhalinyaro iyo  ururada hawenka dagmada Kismaayo ayaa mudada ay socotay waxaa bulshada iyo hooyoyinka lagu baraarujiyay  sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tayada wax brashada caruurta.

Khudbado dhinacyo badan taabanaya  ayay goobta kasoo jeediyeen bulshadii halkaasi ku sugneynd iyaga oo inta badan taabanayay habka badbaadinta caruurta iyo ilaalinta xuquuqdooda.

Gudomiyaha Ururka Hawenka Jubbada Hose Marwa Fadumo Aadan Kateela oo goobta ka hadshay ayaa hooyoyinka ku dhiiri galisay in ay dadaal dheri ah galiyaan caruurta yar yar si mustaqbalka lafahooda iyo dalkoodaba kuwo wax tar u leh noqdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here