Maxaa Lagaga Hadli Doonaa Kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Dalka?

0
18

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Isniin ah waxaa  kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doona xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ajendaha maanta looga hadlayo kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad ee ku noqoshada miisaaniyadda sanadkan sii dhamaanaya ee 2019.

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka, isla markaana laga hadli doono Akhrinta 3aad ee ku noqoshada miisaaniyadda.

Kulanka ayaa saacadaha soo socda ka furmi doona xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inuu shir guddoomiyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa haatan waxaa horyaalla ajendayaal dhowr  ah oo laga doonayo inay meel mariyaan iyaga oo kulma saddex maalmood isbuuc walba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here