Taliska Booliska Dalka oo Ka Digay Fatahaado Ku Soo Waajahan Muqdisho

0
145

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin ku aadan roobab mahiigaan ah oo la filayaan in dhawaan ay ka da’aan magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ay barteeda Facebook kusoo qortay taliye ku-xigeenka ciidanka booliska  Zakiya Xuseen Axmed ayaa waxay ku sheegtay in dhamaan saldhigyada booliska ee gobolka Banaadir iyo laanta gurmadka dagdaga ah la geliyay heegan buuxa.

Sidoo kale Zakiya ayaa sheegtay in  shacabka ku dhaqan caasimadda loo diyaariyay gaadiidka gurmadka dagdaga ah iyo kuwa dab damiska, iyada oo cid walba oo u baahda gurmad kula talisay in uu la xiriiro hay’addaha amniga dowladda.

“Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska. Hadaba muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka dag dag” ayay tiri Zakiya Xuseen.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ma aysan sheegin halka ay ka soo xigatay xogta ku aadan roobabka ku soo waajahan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here