Wabiga Shabeelle oo Ku Fatahay Deegaanno Hoos Taga Degmada Balcad

0
84

Wararka ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu wado fatahaad hor leh oo uu ka geystay deegaanno hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dad ku sugan deegaanada uu wabiga ku fatahay ayaa soo sheegaya in biyuhu ay buux dhaafiyeen dhul beereed laga filayey dalag kala duwan in uu dhawaan ka soo go’o.

Tuulooyinka uu wabiga ku fatahay waxaa kamid ah Farbaraki, Maqdas, Damaleey iyo Jameeco oo dhammaatood ah tuulooyin hoos taga degamada Balcad. Sidoo kale biyaha ayaa kaabiga ku haya oo ku sii wajahan degaanada Yaaqle iyo Shanlow oo u dhaw isla degamada Balcad.

Mid kamid ah beeraleyda ku nool tuulada Farbaraki ayaa shegay in ay biyuhu xaaqeen beero kala duwan oo la filayey in ay dhawaan dalagoodu soo go’aan.

Wabigan ayaa bil ka hor fatahaado saameyn xooggan yeeshay ka geystay Magaalooyinka Baladweyne iyo Mahadaay oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexhe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here