Caruur Shuban Biyood Ugu Geeriyootay Bakool

0
124

Ilaa 7-da caruur ah ayaa la sheegayaa in ay shuban biyood ugu geeriyoodeen deegaanka Caato oo ka tirsan gobolka Bakool mudo 48 saacadood gudohood ah.

Waxaa geerida  todobadan caruurta ah xaqiijiyay guddoomiyaha deegaanka Caato Dubad Xasan Cali oo la hadlay warbaahinta isaga oo ku sugan deegaanka Caato ee ka dhacday.

Dhinaca kale kusimaha guddoomiyaha gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snake) ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay deegaano badan oo katirsan gobolka Bakool.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad u dhintay xanuunkan iyo dad badan oo uu soo ritay wuxuuna baaq u diray dawlada federaalka Soomaaliya, dawlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan wasaaradaha uu arinkan khuseeyo iyo hay’adaha Samafalka.

Roobabkii lixaadka lahaa ee dhawaan gobollada dalka ka da’ay iyo fatahaadihii ay ka tageen ayaa horay looga digay in ay suura gal tahay in ay sababaan faafka xanuunada la isu gudbiyo oo uu shuban biyoodka kamid yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here