Ciidanka Kumandooska Jubbaland iyo Ciidanka Danab oo Hawlgallo Ka Fuliyay Deegaanno Jubbada Hoose Ka Tirsan

0
114

Ciidanka Kumaandooska dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa Danab oo is garabsanaya ayaa hawlgallo ka sameeyay Deeganada Canjeel, Kuba-Kibir iyo Janaay Cabdalle oo kamid ah gobolka Jubbada hoose.

Hawlgallada oo socday muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa ay sababtay in kooxda argagixisadda Al-Shabaab ayaa deeganada iskaga baxday.

Hawlgalkan waxaa looga gol lahaa xaqiijinta ammaanka, waxaana ay ciidanka la kulmayeen bulshada deeganadaas iyaga oo kala hadlay dadka deegaanka in argagixisadda ummadda ragaadisay meel looga soo wada jeedsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here