Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Jubbaland oo Kismaayo Ku Qabatay Kulan Lagaga Hadlayo Nidaamka Federaalka Dalka

0
89

Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Jubbaland ayaa manta qabatay kulan loo soo abaabulay ardayda jaamacadaha iyo qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradaha dawlad goboleedka Jubbaland. Kulankan ayaa looga gole lahaa xoojinta fahanka laga haysto sida uu u shaqeeyo nidaamka federaalka.

Kulanka oo qayb kamid ah ay tababar ahayd waxaa sidoo kale kasoo qayb galay masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Warshada Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan, wasiirka Macdanta iyo Biyaha Jubbaland Cabdiraxmaan Muxumed Maxamed, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Saleebaan Maxamed iyo xildhibaan Maxamed Cabdinaasir oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Jubbaland.

Kulanka waxaa daah furay isla markaana ajandeyaashiisa sharraxaad ka bixiyay wasiirka wasaaradda Dastuurka Jubbaland Cumar Maxamed Cabdi isaga oo sidoo kale sheegay in wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha federaalka Jubbaland ay joogteyn doonto kulamada ay bulshada ku fahansiinayso nidaamka federaalka si loo suura galiyo maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here