Wasiirka Cadaalada Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Jubaland oo Booqasho Ku Tagay Qaar Kamid AH Dugsiyada Quraanka Lagu Barto ee Kismaayo

0
203

Wasiirka wasaaradda Cadaalada Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Jubaland mudane Maxamed Yuusuf Cumar ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah dugsiyada Quraanka kariimka ee ku yaala magaalada Kismaayo.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa in wasaaradu ay qiimayn ku samayso goobaha ay ardayda Quraanka ku bartaan iyo tabashooyinka ay qabaan. Wasiirka oo ay kormeerkan ku weheliyeen masuuliyiin ka tirsan wasaarada ayaa booqday fasallada qaar ka mida dugsiyadii ay maanta kormeerka ku tageen waxayna ardaydii ay la kulmeen ku dhiirigaliyeen in ay ku dadaalaan barashada iyo xifdinta Quraanka kariimka ah.

Qaar kamid ah bareyaasha dugsiyadii uu wafdigan booqday ayaa ka mahadceliyay booqashada uu wasiirku ku tagay goobahooda waxbarasho iyaga oo bogaadiyay danaynta ay u muujiyeen xaaladda waxbarashada diiniga ah.

Wasiirka wasaarada Cadaalada Garsorka iyo Arrimaha Diinta Jubaland mudane Maxamed Yuusuf Cumar oo saxaafada la hadlay booqashadan kadib ayaa sheegay in wasaaradu ay si dagdag ah ay uga falcelin doonto tabashoonka ay muujinayaan ardayda iyo barrayaasha dugsiyada.

Wasiirka ayaa sheegay in waxbarashada diiniga ah ay sidoo kale hoos tagto wasaaradda waxbarashada ayna sidaa darted u baahantahay in laga war qabo lana taakuleeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here