Xildhibaanada Golaha Shacabka oo La Filayo In Ay Maanta Ka Doodaan Sharciga Doorashooyinka Dalka

0
17

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah ay kulan dagdah ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa la shaaciyay in ajendahiisu uu yahay akhrinta labaad ee sharciga doorashooyinka Qaranka kaasi oo todobaadkii ina soo dhaafay loo qeybiyay xildhibaanada golaha shacabka xubnaha ka ah.

Xalay ayaa Xildhibaanada lagu wargeliyay qabsoomida kulankan, iyaga oo lagu war galiyay in ay muhiim tahay in shirkan ay ka soo qayb galaan.

Xarunta Villa Hargaysa ayaa la filayaa in xildhibaanada ay manta dood adag oo sharcigan ku saabsan ku dhex marto maadaama uu kamid yahay shuruucda si wayn ay shacabka iyo siyaasiyiinta dalkaba uga war sugayaan iyada oo ay fooda inagu soo hayso doorashooyinka madaxtinimo ee 2020/2021 ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here