Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa gaaray degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, halkaasi oo uu ka socda dadaalo laguso afjarayo colaad dhextaala labo beelood oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.
Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan
Dhabancad, ayaa sheegay Puntland inay diyaar u tahay in nabada la xoojiyo oo
aan dib loosoo celin colaadii gobolka Mudug aafeysay.
Dhabancad ayaa sheegay Puntland iyo Galmudug inay si wadajir ah uga
shaqeynayaan nabada, isagoo meesha ka saaray cid saddexaad oo soo dhex geli
karta labada maamul ee dadkooda dirirtu dhexmartay.
Hadalka wasiirka arrimaha gudaha ayaa kusoo beegamaya iyadoo maalmo kahor
saraakiil ka socda ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya ay heshiis xabbad joojin
ah dhex dhigeen labada beelood ee dagaalamay.
Puntland oo Towfiiq u aqoonsan degmo katirsan degaanadeeda, ayaa marar badan
colaad kusoo laalaabatay, mana jirto xal waara oo laga gaaray.