Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Su’aalo Waydiinaya Wasiirada Caafimaadka Iyo Gargaarka

0
271

Waxaa goor dhaw xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ka furmay kulankii ay maanta xildhibaanada golaha shacabka su’aallaha lagu weeydiinayeen wasiirrada caafimaadka iyo gargaarka iyo ka hor tagga musiibooyinka.

Kulanka waxaa shir guddoominaya guddomiye ku xigeenka kobaad ee gpolaha shacabka mudane Cabdiwali Ibraahim Shiekh Muudeey. Waxaa sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa wasiirka caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur Su’aallo ka weeydiin doona hawlaha shaqo ee wasaaradda caafimaadka iyo arrimo kale oo ku aadan shaqada wasaaradaas.

Dhinaca kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa su’aallo weydiin doona wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse, kuwaas oo la xiriira hawlaha shaqo ee wasaaradda Gargaarka.

Waxaa kale oo wasiir Xamse Saciid Xamse wax laga waydiin doonaa hawlaha gargaarka ee loo sameeyay dadkii dhawaan ay sameeyeen fatahaadihii ka dhacay deegaano ka tirsan gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here