Haweenka Jubbaland oo maalintii labaad shir uga socdo magaalada Kismaayo

0
309

Waxaa maalinkii labaad magaalada kismaayo ka socda shirka wada-hadalka haweenka Jubbaland, kaas oo ay ka qeybgalayaan haween isaga kala yimid sedexda gobol ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Shirkan oo ay ujeedadiisu tahay in haweenku ay is-dhexgal sameeyaan islamarkaana ay isku dhaafsadaan afkaarahooda ku aadan doorka ay haweenku ka qaadan karaan nabadda iyo dhisidda dowladnimada ayaa waxaa soo agaasintay hay’ada SWSO, waxaana goobjoog ka ahaa madaxa hay’adda SWSO Marwo Xaliimo Faarax Godane, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland, Guddoomiyaha ururka haweenka degmada Kismaayo, xubno ka tirsan ururka haweenka degmada Kismaayo iyo dalladda nabadeynta degmada Kismaayo, haween ka kala socday dalladaha Dayax iyo Daawo  oo ka kala dhisan magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose iyo gobolka Gedo, haweenka dib uga so laabtay xiriyaha qaxootiga ee dalka Kenya iyo dumarka ganacsatada ah ee magaalada Kismaayo.

Naciimo Maxamed oo ah Xoghayaha dalladda Dayax oo ay ku midaysanyihiin haweenka magaalada Dhoobley iyo Maymuun Cabdi Maxamed oo ah afhayeenka dalladda Dayax oo lubaduba maanta kuso biiray shirkaan maalinkii labaad haweenka Jubbaland uga socda magaalo madaxda gobolka Jubbada hoose ee Kismaayo ayaa shirkaan ka qayb qaadanaya horumarka guud ahaan haweenka Jubbaland.

Intii shirku socday haweenka ayaa ku guulaystay in ay heshiisiiyaan Guddoomihii hore ururka Haweenka seddexda gobol ee Jubbaland Badraan Maxamed Cabdulle iyo Guddoomiyaha ururka haweenka degmada Kismaayo Sureer Maxamed Cali oo ay xurguf u dhaxeysay.

Madaxa hay’adda SWSO Xaliimo Faarax Godane ayaa kula dardaarantay haweenkii kulanka kaso qaybgalay in ay dhamaantood is-cafiyaan, kana shaqeeyan sidii guud ahaan haweenka Jubbaland ay horumar u gaari lahaayeen.

Shirkan oo inta uu socdo haweenka Jubbaland ay isku dhaafsanayaan afkaaro kala duwan ayaa lagu wadaa in laso gaba-gabeeyo maalinka berri ee Khamiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here