Khilaafaad hareeyey doorashada Galmudug

0
317

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in khilaaf xooggan uu ka taagan yahay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Odayaasha beelaha qaarkood oo lagu xareeyey magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ku howlan yihiin soo xulista golaha wakiilada Galmudug.

Dhowaan ayaa qaylo dhaan ka soo yeertay qaar kamid ah Odayaasha beelaha dega Galmudug, waxayna guddiga farsamada ee dhismaha Galmudug ku eedeeyeen in uu wax is-daba-marin ku waddo soo xulista xildhibaanada cusub.

Guddiga farsamada ee dhismaha Galmudug ayaa ah midkii ay soo magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, 8dii bishii October ee sanadkii 2019, waanna guddi aysan ku kalsoonayn dadka deegaanku sida ay Odayaashu sheegeen.

Dadka Galmudug ayaa halgan ugu jira sidii ay uga takhalusi lahaayeen faragelinta iyo jujuubka ay Dowladda Federaalku ku hayso arrimaha doorashada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here