Trump: “Waxaan weerari doonaa 52 xarumood oo laf-dhabar u ah Iiraan”

0
305

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale Dowladda Iiraan ugu hanjabay in Mareykanku qaadi doono weerarro lagu bartilmaameedsanayo 52 goobood oo muhiim u ah Iiraan weliba “si dhakhsiya oo adag”, sida uu hadalka u dhigay.

Mr Trump ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay farriin uu ku sheegayo in Iiraan ay si adag u hadlayso oo ay bartilmaameedsan doonto goobo gaar oo muhiim u ah Mareykanka.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uu soo ogaaday 52 goobood oo qaarkood ay aad muhiim ugu yihiin Iiraan iyo dhaqanka dadka Iiraan kuwaas oo si dhakhsiya ah oo adag loo weerari doono, waa haddii ay xukuumadda Tahraan weerarto Mareykanka, sida uu sheegay Trump. ”Mareykanka ma doonayo caga jugleyn dambe” ayuu Trump intaasi ku sii daray.

Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in 52-daasi goobood ay meteli doonaan 52 qof oo Mareykan ah kuwaasi oo Iiraan muddo sannad ah u afduubnaa dhammaadkii 1979-kii, kaddib markii laga soo qabtay safaaradda Mareykanka ee Tahraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here