Iiraan oo Xidhay Safiirka Ingiriiska u Fadhiya Dalkeeda

0
258

Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya magaalada Tehran ayaa lagu xieray dibad baxyo lagaga soo hor jeedo xukuumadda dalkaas oo ay muwaadiniinta dalkaas ku muujinayeen cadhadooda ku aadan diyaaradii laga lahaa dalka Ukraine ee uu ciidanka dalkooda soo riday.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska Dominic Raab ayaa  soo saaray warsaxaafadeed uu caro ka muujinayo kadib xiritaanka safiirkan oo lagu magacaabo Rob Macaire iyada oo aysan xukuumadda Iiraan wax sharraxaad ah ka bixinin go’aankeedan.

Mr Macaire ayaa lagu xiray halka uu dibadbaxu ka socday ee bannaanka jaamacadda Amir Kabir barqanimadii Axadda ahayed ee saaka hasayeeshee waa la sii daaya saacado un kadib markii ay booliska dalkan gacanta ku dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here