Shacabka Iiraan oo Dhigaya Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Ayatullah Cali Khamanii

0
100

Boqolaal ruux ayaa iskusoo baxay wadooyinka waawayn ee caasimada dalka Iran kuwaas oo dalbanaya in uu iscasilo hoggaamiyaha dalkaasi Ayatullah Cali Khamanii.

Dibad baxyaasha ayaa ka careesan diyaaradii dhawaan ay soo riday dowladda Iran taas oo ay Iran ku sheegtay in ay usoo dhacday si kam ah.

Dibad baxyada ayaa ka dhacay afaafka hore ee labo jaamacadood oo ku yaalo caasimada Tehran.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka dibad baxyaasha ku dhiiri galiyay in ay sii wadaan dibad baxyada ay kaga soo hor jeedaan xukunka Iran.

Mid ka mid ah dadkaas ayaa Twitter-ka ku soo qoray: “Weligey ma cafin doono dowladda dalkeyga, dadka meesha joogay ee haddana beenta sheegaya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here