Xeer Ilaaliyaha oo Shaacisay Xiliga La Fulinayo Dilka Ragii Kufsaday Caasho Ilyaas

0
234

Xeer-ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Puntland, Maxamuud Xassan Aw Cismaan ayaa maanta shaaca ka qaaday wakhtiga rasmiga ah ee xukunkii dilka ahaa lagu fulin doono saddexdii nin ee kufsaday Allaha u naxariistee marxuumad Caasho Ilyaas Aadan.

Kiiska Caasho Ilyaas ayaa soo maray maxkamaddaha kala duwan ee Puntland kuwaas oo dhammaantood xukun dil toogasho ah ku diray saddex eedeeysane oo ay magacyadoodu yihiin Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in xukunka dilka ah la fulin doono 11ka bisha labaad ee sanadan 2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo isla markaana uu ka dhici doono fagaaro ku yaalla magaalada Boosaaso.

Marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar ayaa fal isugu jiray kufsi iyo dil bishii Febraayo ee sanadkii tegay ee 2019 loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here