Xildhibaanada Cusub ee Galmudug oo Maanta Kulan Yeelanaya

0
101

Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta oo axad ah waxaa lagu wadaa in kulankii ugu horeeyay ay ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb kadib markii shalay la dhaariyey.

Kulanka xildhibaanada cusub ee Galmudug ayaa intii uu socdo waxaa ay ku dhex dooran doonaan guddoon ku meel gaar ah isla markaana ka shaqayn doona doorashada guddoonka baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Xildhibaanada ayaa markii ay hawlaha doorashada guddoonka baarlamaanka Galmudug u dhamaato kadib waxay guda gali doonaan doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan musharaxiin badan oo u tartamaya xilalka kala duwan ee galmudug waxaana xubnaha halkaas ku sugan kamid ah masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka dalka.

Ammaanka guud ee Dhuusamareeb ayaa si wayn loo adkeeyay waxaana sugida amniga iska kaashanaya ciidanka dawladda qaybahooda kala duwan ee halkaas jooga iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM iyadoo sidoo kale ciidamo gaar ah la geeyay baraha koontaroolada ee laga soo galo magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here