Dawladda Soomaaliya oo Ogolaansho Kaluumaysi Siisay Shirkado Shiine Ah

0
138

Dawlada Soomaaliya ayaa ruqsadyo kalluumaysi oo fara badan siisay shirkado laga leeyahay Shiinaha. Arinkan ayaa sare u qaaday walwalka ay qabaan kalluumeysatada dalka ay ka qabaan in kalluumeysiga maraakiibta waawayn ee shisheeye ay culaysa saarto hawlohooda yaraysana kalluunka ay badda ka helaan.

Munaasabad la qabtay 11-kii Diseembar ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhawaaqay in maamulkiisu uu 31 shati kalluumeysi siiyay Ururka Kalluumeysiga Shiinaha. “Ruqsadahaani waxay shirkadahan u oggolaanaysaa kalluumeysiga kalluunka nuuca Tuna-ha, tanina waxay Soomaaliya u ogolaanaysaa in ay canshuurto kaluumaysatada shisheeye iyada oo loo marayo hannaanka sharciga ah,” ayuu yiri madaxwaynaha.

Kalluumeysatada Soomaaliyeed waxay sanadihii ina soo dhaafay ka cabanayeen in maraakiibta kalluumeysiga shisheeye ee waawayn ay badaha dalka kaga ugaarsadaan wadooyin aan wanaagsanayn oo bay’ada dhibaataynaya. Caqabadahaas ayaa had iyo jeer lagu tilmaamaa inay yihiin sababaha ka dambeeya budhcad-badeednimada badaha Soomaaliya ku baahday oo heerkeedii ugu sarreeyay gaadhay sanadii 2011ka.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shatiyada cusub lagu xaddiday kaluumaysiga sharci darrada ah aysanna saameyn doonin kalluumeysiga maxalliga ah. Waxaa intaa dheer in maraakiibtan shisheeye goobaha ay ka kaluumaysan araan ay ku xadidantahay inta ka shishaysa 24 mayl xeebta. Biyaha ka baxsan khadkaas “waa aag aysan kalluumeysatada maxalliga ahi awood u lahayn inay gaaraan,” ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga Soomaaliya mudane Cabdiraxman Axmed, xilli uu la hadlayay BBC-da.

Dadka sida dhaw ula socda arimaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay in Soomaaliya aysan lahayn qaab lagula socon karo kalluumaysiga aysanna awoodi karin in ay ka hor tagto ku xadgudubka xuquuqdeeda aageda ganacsi ee khaaska ah ee magiciisa loo soo gaabiyo EEZ. Wasiirka ayaa xaqiijiyay in bixinta ogolaanshooyinkan lagaga baaqsan doono arrintaas.

Maraakiib shisheeye waxaan ugu yeedhi kari doonnaa dekedaheena, sidoo kale waxaan heysanaa markab bixi kara oo kormeeri kara xeebeheen,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxman Axmed. “Waxaan haysannaa shaqaale wasaaradeed oo hadda dhammaystay tababarkooda kormeer iyo kor joog oo iyagu markabkan dushiisa ka shaqayn doona.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here