Maxaad Ka Ogtahay Sharciga Batroolka ee uu Ansixiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka iyo Habka Loo Dhaqan Galin Doono

0
152

Soomaaliya ayaa qaaday talaano kale oo muhiim u ah qodidda shidaalka dalka oo lagu soo jiidanayo shirkadaha shidaalka caalamiga ah ee magacooda loo soo gaabiyo (IOCs) markii uu aqalka sare ee baarlamaanka federaalku ansixiyay akhrinta sedexaad ee sharciga batroolka horaantii bishan Janaayo. Laakiin dhacdadan taariikhiga ah waxay ku soo beegantay xilli ay caasimadda dalka hadheeyeen mowjado weeraro ah oo ay dalka ka fuliyeen kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab oo laga cabsi qabo in ay sababi karaan in shirkadahaas ay dib uga laabtaan doonitaankooda maaligashiga waxda shidaalka dalka.

Sharciga ayaa hor yaalay aqalka sare iyo kan hoose ee baarlamaanka dalka toddobadii bilood ee ina soo dhaafay. Toddobaadkan, 28 guurti – oo ka mid ah 54da loo doortay baarlamaanka sanadii 2016ka – ayaa u codeeyay sharcigan.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa yidhi, “Tani waa tallaabo muhiim ah oo ay qaaday Soomaaliya iyo dadkeeda maadaama sharciga batroolka uu ansixiyay aqalka sare isla markaana ku sii dhawaanayo dhammaystirka howlaha sharci dajinta arinkan ku aadan.”

Sharciga ayaa hadda dib loogu celin doonaa aqalka hoose si loo ansixiyo, kaas oo wasaaradda batroolka ay rajeyneyso in ay la ansixiyo 20ka bisha May ee sanadkan oo ku beegan hal sano oo ka soo wareegtay xilligii la bilaabay dajinta sharcigan. Wareega shati bixinta ee goobaha shidaalka laga qodo ee xeebaha ku yaal ayaa markii hore loo qorsheeyay sanadii 2018ka hasayeeshee dhawr jeer ayaa dib ayaa loo dhigay iyada oo ay wadahadallo heshiis u socdaan daneeyayaasha maalgashi iyo sharciga la dhisay.

Qaybta ugu muhiimsan ee sharciga, oo cusboonaysiinaysa sharci 2008kii la dajiyay oo in badan loo arkayay in uusan waafaqsanayn dastuurka dalka loo dajiyay sanadii 2012ka, waa heshiis dakhli wadaag (Revenue Sharing Agrement) kaas oo saamiyada dakhliga ka soo xaroon doona iibka shidaalkan siiyay dowladda federaalka, lixda dowlad goboleed ee xubnaha ka ah dalka, iyo bulshooyinka maxalliga ah. Gobollada ayaa xor u ah go’aaminta sida saamigooda dakhli — oo noqon kara ugu badnaan boqolkiiba 70 – loo isticmaali doono in kasta oo ay dowladda federaalku yeelan doonto qawlka kama dambaysta ah.

Tijaabo hordhac ah oo lagu sameeyay dabbaqidda heshiiska dakhli qaybsiga bishii Juun wax caqabado ah lama kulmin laakiin tijaabadan waxaa lagu sameeyay lacag aad u yar oo dhan 1.7 milyan oo doolarka Maraykanka ah, oo ah dakhli horay loo soo saaray oo ay ka mid yihiin dakhli la sameeyay intii ka horaysay sandii 90meeyadii iyo dagaalkii sokeeye ee ka dambeeyay 2000.

Tijaabadan ayay khubaradu sheegeen in ay ku haboonayd in lagu fuliyo lacag dhan balaayiin dollar si loo ogaado gobollada ay faaiidooyinka u badan uga soo bixi doonaan hanaankan iyo kuwa ku khasaaraya oo ay u cadaato.

Dakhliga batroolka si siman looguma qeybin doono lixda dowlad goboleed. 15-ka ceel ee loogu talo galay in lagu daro wareegtada ruqsada ayaa ah kuwo ku teedsan xeebta koonfureed ee ku yaala gobollada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Goboladan ayaa laga cabsi qabaa in ay ka caroodaan lacagaha laga doonayo in ay ku wareejiyaan gobollada aan shidaalka laga qodaynin ee Somaliland iyo Puntland oo iayagana laga cabsi qabo in ay masayr ka muujiyaan dakhliga badan ee gobolada kale u soo xerooda.

Waxaa xaaladda sii cakiraya in gobolka Puntland oo la rumeysan yahay inuu leeyahay qaab dhuleed la mid ah Yemen iyo Sacuudi Carabiya lana ogyahay inuu ku jiro kayd shidaal oo aad u badan oo la xaqiijiya horaantii 90meeyadii uusan ogolaanin in shidaalka xeebihiisa ku jiro la qodo.

Shidaalka ku jira xeebaha Soomaaliya waxaa laga helaa dhul dhan 75,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah oo ka kooban 15 ceel shidaal wuxuuna dakhliga shidaalkan ka soo xarooda awood u leeyahay in uu wax wayn ka badalo heerka maciishadee ee 15 milyan iyo badhka ruux ee dalka ku nol. Khilaafku iyo is qabqabsi in dib loogu laabto ayaa hasayeeshee sababai karta in fursaddan ay si dhakhso leh meesha uga baxdo oo dib uga dhacdo jiil kale oo ka faaiidaysan lahaa khayraadkan.

Xaaladda nabadgelyo ee xeebaha dalka ayaa si aad ah u soo hagaagtay tobankii sano ee la soo dhaafay, iyada oo laga gudbay budhcad badeednimadii baahsanayd ee halista ku ahayd dhamaan hawlaha dakhliga lagaga samayn karo xeebaha dalka. Dhacdooyinka amni darro ee laga soo wariyay xeebaha dalka ayaa hoos uga dhacay heerkii ugu sarreeyay ee ay gaadhaan oo ahaa 237 dhacdo oo lagu soo waramay sanadkii 2011 iyada oo aan sanadihii u dambeeyay wax fal oo amni darro ah laga soo waramin badda Somaaliya ku hareeraysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here