Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta Kulan Yeelanaya

0
203

Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelanayan maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 13-ka bisha Janaayo 2020, wuxuu ajendihiisu yahay dhagaysiga akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka jaangoynta iyo tayo dhawrka.

Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa hadda ka socda diyaar garowga furitaanka kulankan oo ay ka soo qayb galayaan inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay lagu wargeliyay qabsoomida kulankan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka waxay todobaad walba kulan yeeshaan Saddex maalmood oo ah Sabti, Isniin iyo Arbaco kuwaas oo ay dheeri ku yihiin kulamo dagdag ah iyo kuwo su’aalo lagu weeydiinayo golaha wasiirada xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here