Koonfur Galbeed Iyo Hirshabeelle oo uu Shirweyne Uga Furmayo Baydhabo

0
259

Magaalada Baydhabo ee caasimada ku meel gaadhka u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta oo talaado ah lagu wadaa in uu shirweyne uga furmo dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Shirkan ayaa intii uu socdo waxaa lagaga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin fatahaadaha wabiga Shabeelle iyo horumarinta deegaanada dawlad goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabeelle.

Wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in shirka qodobada looga arrinsan doono ay ku jiraan sidii loo xoojin lahaa xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya labada maamul.

Sidoo kale shirweynaha oo saacadaha soo socda ka furmaya Baydhabo ayaa waxaa si wadajir ah u shir guddoomin doona madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Maxamed Cabdi Waare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here