Macalin Pep Guardiola Ayaa Ka Hadlay Barbardhicii Koxdiisa Xalay La Gashay Kooxda Crystal Palace

0
44

Tababare Pep Guardiola ayaa aqbalay guuldaro kaga timid tartanka horyaalka, wuxuuna wiilashiisa u sheegay iney markaan diirada saaraan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen koobka horyaalada yurub.

Manchester City ayaa awoodi weysay iney Etihad Stadium uga badiso Crystal Palace kulan ka tirsan Premier League, waxeyna 13-dhibcood ka dambeeyaan Reds oo laba kulan gacanta ku heysata.

Gool uu iska dhaliyay Fernandinho daqiiqadahii ugu dambeeyay ciyaarta ayaa barbaro kusoo dhameeyay kulankii labada kooxood, waxeyna keentay in Guardiola uu aamino tartanka horyaalka inuu gacmahooda ka baxay.

“Wax walba oo aan ku guuleysan karno waan sameynay, balse nasiib xumo waxaan luminay laba dhibcood sababtoo ah waan awoodi weynay inaan joojino weerarka rogaal celiska ah” ayuu yiri Pep Guardiola kadib kulankii ay 2-2 la galeen Palace.

“Balse waa inaan sii wadno, kulamo badan ayaa haray in la ciyaaro, waa inaan isku dayno inaan boos ka helno koobka horyaalada yurub fasalka dambe”

Manchester City waxey 14-dhibcood ka sarreysaa kooxda kaalinta 5-aad ee Man United oo caawa la ciyaareysa Liverpool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here