Maraykanka oo Dalkiisa Ka Musaafuriyay Arday Iiraan u Dhashay

0
188

Laanta socdaalka Maraykanka waxay maalinnimadii Isniinta ahayd dalkaas ka musaafurisay arday u dhashay dalka Iiraan oo ku sii waajahnaa jaamacad ku taalka magaalda Boston ee dalkaas.

Musaafurinta ardaygan 24 sano jirka ah ee lagu magacaabo Mohammad Shahab Dehghani Hossein Abadi oo iska diiwaan galiyay jaamacadda Northeastern University ayaa noqonaysa talaabadii u dambaysay ee qaybta ka ah talaabooyin ay Maraykanka iyo Iiraan is dhaafsadeen.

Talaabadan ayaa lagu dhaqaaqay in kasta oo ay jireen isku dayyo ay sameeyeen qareeno iyo qaar kamid ah ururada u dooda xuquuqda aadanaha u ol’oleeya oo ay ku doonayeen in lagu haliyo musaafurinta ardayga.

Grasoorka fadhiya magaalada Boston ayaa amar uu bixiyay in musaafurinta ardaygan la hakiyo mudo 48 saacadood ah inta kiiska si buuxda looga dhagaysanayo hasayeeshee af hayeen u hadlay laanta socdaalka ayaa sheegay in ardaygan uu saarnaa diyaaradii musaafurin kahayd xiligii uu amarkan maxkamadda ka soo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here