Wasarada Xanaanad Iyo Xoolaha Dowlad Gobleedka Jubbaland oo Agabyo Kala Duwan Ku Warejisay Iskaashato Xoolo Dhaqato Ah

0
262

Agabkan  oo ka koobnaa 10 matoor iyo 200 oo kiishka  siirka laga abuuro cawska ayaa Wasaarada xanaanada xoolaha ee Dowlad-goboleedka Jubbaland waxay maanta ku wareejisay 10 kamid ah iskaashatooyinka xoolo dhaqatada ee deegaanada hoos-yimaada magaalada Kismaayo

Wasaaradda ayaa agabkan ugu tala gashey in iskaashatooyinka xoola dhaqatada ah  Ay u isticmaalan  cows xilliga jiilaalka ah taas oo meesha ka saaraysa guur guuritaanka xoolo dhaqatada una sahlaysa in ay calaf u helaan xoolaha.

Wasaarada ayaa  ku hawlan garab istaagga bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxay xoolo dhaqatada siyaabo kala duwan uga caawisaa helitaanka agabyada loo isticmaalo beeraha, xanaaneynta iyo daaweynta xoolaha si looga hortago cudurada ku dhaca xoolaha nocyadooda kala duwan.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamed Xassan Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay caawinta bulshadooda islamarkaana ay samayn doonaan garab istaag joogto ah.

Xildhibaan Cali Cabdiwaaxid oo katirsan golaha wakiilada Dowlad goboleedka Jubbaland ahna Guddoomiyaha guddiga xanaanada xoolaha ee golaha wakiilada ayaa bogaadiyey dedaalada ay waddo wasaaradda xanaanada xoolaha Jubbaland, wuxuuna xoolo dhaqatada ku booriyey in ay ka faa’iideystaan agabyada lagu wareejiyey.

Hay’adda FAO ayaa wasaaradda xanaanada xoolaha Jubbaland ku taageertay agabyada maanta lagu wareejiyey iskaashooyinka xoolo dhaqatada magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here