Diyaarad ku Soo Dhacday Buuraleeyda Dalka Afghanistan

0
122

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumadda Afghanistan ayaa sheegay in diyaarad ayaa ku soo dhacday dhulka buuraleyda ee gobolka Ghazni ee dalkaas hasayeeshee ma aysan wax faahfaahin ah ka bixinin nooca diyaaradan iyo khasaaraha ka dhashay midna.

3 masuul oo ka tirsan xukuumadda dalkaas ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradan ay lahayd shirkadda duulimaadyada ay leedahay dawladda dalkaas ee lagu magacaabo Ariana Afghan Airlines hasayeeshee maamulaha guud ee shirkadan Mirwais Mirzakwal ayaa beeniyay hadalkan isaga oo sheegay in labo duulimaad oo diyaaradu leedahay oo gobolkan dul marayay manta ay labaduba bad qabaan.

Masuul sare oo ka tirsan xafiiska madaxwaynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay ogyihiin diyaaradan soo dhacday hasayeeshee aysan wali ogayn wax faahfaahin ah oo dheeri ah isla markaana xaqiijiyay in ay wali baadigiib ugu jiraan burburka diyaaradan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradan ay ku dhacday goob ay gacanta ku hayso kooxda Taliban ayna sidaa darted adkaan doonto in la soo helo burburkeeda.

Af hayeen u hadlay kooxda Taliban ayaa sheegay in ay baadhitaan ku wadaan arrinkan walina aysan wax war ah ka soo saari Karin.

Wali ma cada in diyaaradan ay tahay mid rakaab, mid xamuul iyo mid gaar  loo leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here