Golaha Aqalka Sare oo Ka Soo Horjeestay Go’aankii Trump

0
161

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada muqdisho,iyaga oo kulankooda uga hadlay qodobo dhowr ah.

Aqalka Sare ayaa cod uqaaday Mooshin ka dhanka ah heshiiska qarniga oo duulaan ku ah Islaamka iyo Madaxbanaanida Falastiin,kaas oo uu soo saarey Madaxweyne trump,waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyey dhamaan mudanayaashii fadhiga Maanta soo xaadiray oo gaarayay 30 Senator.

Horey ayaa go’aanka Trump waxaa u taageeray laba kamid ah dowladaha Carbeed sida Masar iyo Sacuudiga,iyaga oo sheegay in ay ku jirto nabada wadamada Bariga Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here