Hordhac: Man City Vs West Ham: Citizen Oo Ka Gacan Saraysa West Ham.

0
215

Kooxda Man City ayaa marti galinaysa kooxda West Ham kulan ka tirsan todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Etihad Staduim.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii todobaadkii hore.

Dhanka kale West Ham ayaa dhankeeda kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii ay galeen todobaadkii hore.

Kulanka: Man City Vs West Ham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Etihad Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay West Ham iyaga oo ka dhaliyay 23 gool lagana dhaliyay kaliya 3 gool.

West Ham ayaa kaliya 4 dhibcood ka qaadatay man City iyada oo laga doonyay 39 dhibcood oo premier League ah kulamada ay ku ciyaartay Etihad Staduim iyaga oo badiyay hal kulan bishii January 2008 halka ay guul 2/1 ah ka gaadheen bishii September.

West Ham ayaa laga badiyay 20 ka mid ah 23-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League martida u noqotay kooxda difaacanaysa horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here