Hordhac: Real Betis Vs Barcelona: Blaugrana Oo Boodhka Ka Jafan Karta Rikoodh Xun Oo Ay Dhigtay 12 Sano Ka Hor.

0
192

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Real Betis kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Benito Villamarin.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Levante todobaadkii hore ka hor inta aan laga reebin tartanka Copa Del Rey-ga.

Dhanka kale Betis ayaa bar-baro 1/1 ah ku dhaafi wayday kooxda Eibara todobaadkii hore iyaga oo doonaya in ay milix sii mariyaan dhaawaca Barcelona.

Kulanka: Real Betis Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Benito Villamarin

XAQIIQOOYINKA KULAKA:

Real Betis ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 17-kii kulan ee ay la ciyaartay Barcelona iyada oo guushaas timid sanadkii 2018.

Barcelona ayaa guuldaro la’aan ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqdeen garoonka Benito Villamarin iyaga oo ay guuldaro ugu dambaysay sanadkii 2008 markaas oo ay guuldaro 2/3 ah kala kulmeen.

Real Betis ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka la Liga xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa laga badiyay 4 kulan oo ay marti yihiin horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, markii ugu dambaysay ee 5 kulan laga dhaliyay xilli ciyaareed kaliya waxa ay ahayd 2007/2008 markaas oo laga badiyay 6 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here