2 kamid ah raggi loo xukumay dilka iyo kufsiga marxuum Caaisho oo Boosaaso lagu toogtay

0
421

Goob fagaaro ah oo ku taalla Magaalada Boosaaso ayaa goor dhaw lagu toogtay 2 kamid ah ragii lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo 12 sano jir ahayd.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu fuliyay xukunkii dilka toogashada ahaa kuwaas oo dilay marxuumad Caasho halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay.

Sidoo kale xukmanaha saddexaad ayaa muddo 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.

Raggan ayaa 12kii bisha May sanadkii 2019ka xukun dil ah ku riday maxkamadda darajada koobaad ee Garoowe iyada oo xukunkaasi 30kii Juun ay ku raacday maxkamadda rafcaanka.

Caasho Ilyaas Aadan ayaa bishii Febraayo ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey falkaasi foosha xun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here