Midawga Afrika oo ku gacan sayray qorshaha Bariga Dhexe ee Trump

0
262

Gudoomiyaha Midoawga Afrika, Muuse Faki Maxamed oo galabnimadii shalay ahayd khudbad ka jeediyay Shirweynaha 33aad ee dalalka Midawga Afrika ay isugu yimaadeen ayaa sheegay in ururkan uu taageerayo qadiyada dadka Falastiiniyiinta kana soo hor jeedo qorshaha Trump ee uu ku sheegay in uu ula jeedo nabadaynta Bariga Dhexe.

“Qorshahan waa mid aysan ka wada tashan beesha caalamka waxana uu ku xad gudbayaa xuquuqda aasaasiga ee reer Falastiin,” ayuu yiri Faki Axmed, gudoomiyaha Midawga Afrika

Cyril Ramaphosa, Madaxweynaha Koonfur Afrika oo la wareegaya xilka guddoomiyaha sannadkan ee Midawga Afrika ayaa isaguna qeexay in qorshaha uu madaxweyne Trump soo bandhigay uu lamid yahay nidaamkii midab takoorka ee ka jiray dalkiisa.

Abdifatah Al Siisi, Madaxweynaha Masar ayaa dhiniciisa xusay in arrinka dadka reer Falastiin ay tahay mid ku xardhan quluubta dadka Afrikaanka ah isaga oo sidoo kale xusay in aan marnaba la qaadan karin qorshaha uu Trump soo bandhigay maadaama uu yahay mid meel kaga dhacaya jiritaanka dadka reer Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here